Amb maxmed cali nuur (amerko) oo lacag ugu deeqay xarunta waxbarashada dadka araga la` ee magalada Muqdisho

Musharax madaxweyne Amb Maxmed Cali Nuur oo ka qayb galayay barnaamijka Hormarinta waxbarashada dadka araga la oo todobaadkii maalinta sabtida ka baxo Radio Goobjoog ee magalada Muqdisho ayaa Ururka Indholayaasha Somaliya Sab ku wareejiyay lacag uu ugu tala galay in lagu bixiyo halbil oo ah kirada xarunta waxbarashada dadka araga la ee SOMALIYA oo ku taal magalada muqdisho halkaas oo loogu tala galay in waxbarasho iyo tabarro lagu siiyo dadka indhoolayaasha ee da`doodu ka weentahay 18-ka sano kaasi oo dhawaan laga hirgaliyay magalada muqdisho.
 
AMb mohamed ayaa ubalanqaaday ururka Ururka Indholayaasha Somaliya Sab inuu garab istaagi doono iyadoona masuuliyiinta ururka umahad celiyay masharaxaaas.
 
ururka SAB ayaa sidoo kale dhamaan ganacstada, siyaasiyiinta iyo muxsiniinta somaliyeed ka dalbaday inay ka qayb qaataan gurmadka loofudinayo indhoolayaasha somaliyeed si mustaqbalkooda loo dhiso
ururka sab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*