DHAGAYSO: Dugsiga Indhoolayaasha Alnur Oo Ka Cabanaya Dhismo Sharci Daro Ah Oo Lagu Bilaabay Xarun Ay Wasaaradda Waxbarashada Ay Kuwareejisay Dugsigaas

Shir saxaafadeed ay manta muqdisho ku qabteen maamulka dugsiga indhoolayaasha Al Nuur ayaa waxay uga hadleen dhismo lagu bilaabay xaruntii hore  dugsiga sare ee Howlwadaag kaasi oo wasaradda waxabarashada dalka ay ugu tala gashay in loogu adeego dadka araga la` ee somaliya.

Warsaxaafadeedka ayay ku shegeen in dhulkaas uu yahay dhulkii ugu horeyay ee dawladd somaliyeed ay ugu talagashay dadka naafada ah.

Ustad maxmed axmad maxmud oo kamid ah barayaasha dugsiga indhoolayaasha alnuur oo faafahin ka bixiyay ujeedka shirkooda ayaa shegay inay ka cabanayan dhismo sharci daro ah oo lagu bilabay xarunta dugsiga sare ee howlwadaag  oo tilmaamay in wasarada waxbarashada ee somaliya ay si kumeel gaar ah ugu wareejisay dugsiga indholayaasha ALnuur , isaga oo sidoo kale xusay inay baahiyo badan u qabaan helidda dhul loogu adeego guud ahaan bulshada araga la`

Maamule ku xigeenka dugsiga indhoolayaasha Alnuur Ibraahim Cabdulahi maxmuud ayaa ka dalbaday madaxda dawladda somaliya iyo maamulka gobolka Banaadir in si dag dag ah loojoojiyo dhismaha xaruntaas iyagoo goobtaas ku soo bandhigay cadeemo muujinaya in wasarada waxbarashada ay ku warjisay dhulkaas,

Dhulkas ayaa noqonaya kii ugu horeyay oo abid dawlad somaliyeed ay uqoondooso dadka naafada, hayeeshee waxaa dhulka iminka ka soconaya dhismo aysan cadenin cidda dhisanaysa

IMG_3346alnur 1alnur 2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*