Dugsiga indhoolayaasha Alnuur oo tabar u soo xiray qaarkamid ah maclimiinta wax ka dhiga dugsiyada magalada (Sawirro)

Dugsiga indhoolayaasha Alnur iyo hayadda Hormud Telcom foundation ayaa magalada Muqdisho ku soo gab gabeyay tabar ku saabsan waxabarashada  gaarka ah oo barayaalk kala socday qaarkamid ah dugsiyada muqdisho lagu barayay habka wax loobaro dadka araga la` iyo barasha farta Brail- ka oo ah farta dadka araga la ay wax ku qoraan kuna aqriyaan iyadoo manta ay ku began tahay maalinta caalamiga ee 4/janweri oo ku asteesan maalinta farta Brail-ka.

Munaasabada lagu soo xirayay tabarkan oo shan maalin soconayay ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka soctay hayadda hormuud telcom foundation, waxana ugu horeen ka hadlay munaasabadaas maamulaha dugsiga indhoolayaasha Al-nuur  Cabdi fataax Maxmed Daahir  oo faafahin ka bixiyay ujeedka laga lahaa tabarkaas waxana uu tilmamay inuu tabarkaasi uu ahaa midkii ugu horeyay oo noociisa ah lagu qabto dalka, kaasi kor loogu qaadayo wacyiga bulshada ay ka qabaan waxbarashada dadka araga la`

Gudoomiyaha hayadda hormuud telcom foundation oo Cabdulahi Nuur Cusmaan ayaaa  u madasha ka shegay in tabarkaas ay ka faa`idaysteen 20 maclin oo laga soo xulay qaarkamid ah scholada magalada muqdisho islamarkaana ay hayadu siiwadi doonto dhiiragalinta tabarada noocaan oo uu kutilmaamay inuu yahay tabar muhiim u ah bulshada somaliyeed.

Qaar kamid ah barayaashii ka faa idaystay tabarkaas ayaa warbaahinta u shegay in macluumaad badan oo ay kamid tahay barashada farta Brail-ka ah oo iyo sida loocaawiyo dadka naafada ay ka faa`idaysteen.

IMG_3999IMG_3999IMG_3991IMG_3876

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*