Hayada dayeelka naafada (DWF) oo agab waxbarasho ku wareejisay dugsiga indhoolayaasha Alnur

Munaaasabad lagu qabtay xarunta dugsiga indhoolayaasha Al-nur ee magalaada Muqdisho ayaa hayadda daryeelka naafada ee fadhigeedu yahay dalka Holand waxay agab waxbarasho oo loogu tala galay dadka araga la` ku wareejisay maamulka dugsiga alnuur ee magalada Muqdisho.

Wakiilka hayadda daryeelka Naafada Cabdi fataax maxmed daahir ayaa ugu horeen sharaxaad ka bixiyay agabka ay ugu deqeen dugsiga Alnuur isgoo xusay in agabka uu ka kooban yahay compitaro, teypab, mashiinka daabaca farta bareelka, boorar (Slate and Staylus) oo lagu talagalay in lagu qor farta Brail-ka, waxana uu shegay in arintan ay kala kaashteen hayado kale oo fadhigoodu yahay dalka Holand si ay wax uga qabtaan baahida dadka araga la ee somaliya.

Ibaraahim C/lahi Maxmuud maamule ku xigeenka dugsiga indhoolayaasha Alnuur  oo gudoomayay qalbkaas ayaa uga mahadceliyay hayadda Daryeelka naafada (DWF) talaabada ay ku caawisay dugsiga alnuur waxana uu xusay in agabkan uu yahay kii ugu horeyay oo tayo iyo tiro ahaan lasoo gaarsiyo dugsiga Alnuur waxana uu xusay inuu waxbadan ka tari doono hoowlaha waxbarashada dugsiga.

Gudoomiyaha dagamada Hodan Axmad Salaad iyo gudoomiye ku xigeenka hayadda Hormuud Telcom Foundation oo Kamid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasabadda agabkaasi waxbarasho lagu wareejinayay ayaa si isku mid ah u amaanay hayadda daryeelka naafada iyagoo xusay in agab intaan kabadan ubaahan yihiin dadka araga la` ee kunool somaliya.

 

ss IMG_6937 IMG_6930 IMG_0300 IMG_0117

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*