Shir looga hadlayay qabyo qoraalka xeerka naafada oo lagu qabtay magalada Muqdisho

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga xuquuqul insaanka iyo haweynka ee golaha shacabka somaliya ayaa waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday hayadaha iyo ururada ka shaqeeya arimaha naafada ee somaliya iyo dad aqoon uleh arimaha sharciga.

Kulanka ayaa lagu soobandhigay qabyo qoraalka xeerka naafada somaliya iyo dhibaatooyinka ay qabaan dadka naafada somaliyeed.

Ka qayb galyaasha ayaa soo bandhigay baahiyaha iyo xuquuqaha ka maqan oo ay doonayaan in lagu qeexo xeerka cusub oo ay kamid tahay daryeelka guud ee dadka naafada sida xuquuqda waxbarashada, iyo midda lanoolaanshaha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*