Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo ka qayb kulay kulan looga hadlayay xuquuqda naafada somaliya (DAAWO)

Shir wada tashi ah oo ay soo agaasintay hayadda dayeelka naafada DWF oo lagu qabtay magaalada muqdisho ayaa looga hadlay sida ay xuquuq dastuuri ah ay u heli karaan dadka naafada ee somaliyeed, iyadoo kulanka lagu soo bandhigay warbixino iyo muuqaallo ku saabsan xaaladda naafada caalamka iyo somaliya,

Ka qayb galayaasha ayaa halkaasi ku soo bandhigay aragtiyo ku saabsan sida ay dadka naafada ku waayeen xuquuqdii ay kulaahaayeen dalkooda iyo dadkooda iyo sida ay hadda xuquuq dastuuri ah uga heli karaan dawladda cusub, iyadoona ka qayb galayaasha ay isku raaceen in naafadu aysan haba yaraatee aysan helin wax xuquuq iyo daryeel ah,

Ugu dambeentii kulanka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban sadax qodob, waxaana saxaafadda u aqriyay gudomiyaha hayadda daryeelka naafada cabdifataax maxmed dahir

  1. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan beesha caalamka, dawladda iyo shacabka somaliyeed in la iska gaashada daryeelka, difaaca iyo udoodista xuuqda naafada sida waxbarashada, caafimaadka, ka qayb galka siyaasada, iyo in lasiiyo fursado shaqo.
  2. Waxaa ugu baaqeynaa golaha shacabka iyo xukumadda somaliya inay meel mariyaan heshiisyada caalamiga ee xuquuqda naafada ayna soo saran sharci gaar ah oo ka hadlaya daryeelka naafada
  3. Waxaan ugu baaqenaa gudiga gurmadka abaaraha qaran, gudiga gurmadka heer dawlad gobaleed inay il gaar ah ku firiyaan naafada ay saameysay abaaraha kuwaasoo u nugul dhibaatooyinka abaaraha islamarkaana aan awoodin inay gacaraan deganda ay abaartu ku dhufatay.

Hayadda daryeelka naafada oo ah hayad ka shaqeysa u doodista, daryeelka iyo difaaca xuquuqda naafada ayaa dadaal ugu jirta sidii ay xuquuq dastuuri ah ay naafada uga heli laahaayeen dawladda cusub ee somaliya iyo maamul gobaleedyada dalka.

HOOS KA DAAWO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*