Ardyadii Ugu Horaysay Ee Ka Qalin Badalanaysa Dugsiga Dhaxe ee Indhoolayaasha Al-Nuur Oo Bandhigooda Ugu Dambeyay Ka Sameyay Dugsigaasi (DAAWO SAWIRADA).

Ardayda fasalka 9aad ee dugsiga indhoolayaasha AL-nuur oo noqonaya kuwii ugu horeya ee ka qalin badasha dugsigaas ayaa manta waxay sameyeen bandhig balaaran oo ay ku soobandhigeen barnaamijyo ay u bogeen guud ahaan aradayda maclimiinta maamulka iyo masuuliyiin ka soctay Hormuud Telcom Foundation ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi.
Barnaamijyada xiisaha badan ay soo bandhigeen oo kubaxayay luuqadaha somaliga carabiga iyo English-ka ayaa waxay kamid ahaa Hanuuniye, ifye, aqoon bille, nasashada, murti maad iyo mada daalo, kuwaaso ka turjumayay wacyi galin, waano, iyo waxbarsho.

C/Raxmaan Ibraahim Calmi oo ka tirsan masuuliyiinta mu`asasada Hormuud Talceom Foundation oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa bogaadiyay ardayda dugsiga indhoolayaasha Al-nuur gaar ahaan fasalka 9aad waxana uu umahad caliyay maamulka, maclimiinta iyo guud ahaan shaqaalaha dugisga isgoo xusay in shirkadda Hormuud ay utaagan tahay taakuleenta dadka taagta yar islamarkaana ay sii wadi doonto sidii ay u dhameestiri laheed baahiyaha ay qabaan ardayada dugsiga Al-nuur
Ardyada manta sameysay bandhigaan waxbarasho ayaa lafilayaa inay imtaxaanka kama dambayska ee sanad waxarasheedka 2015_2016 ay ufariistaan 07/04/2016 taasi oo ay kaga qalin jabin donaan fasalka 9aad.

Dugisga indhoolayaasha Al-nuur ee magalada muqdisho oo gacanta ku haysa Hormuud Talceom Foundation ayaa waxa uu ka tirsan yahay daladda waxbarashada ee FPENS waxaana wax ka barta ku dhawaad 100 arday oo ka kalayimid gobolada dalka

17 18 19 20 21 22 23 24 25

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*